WAA MAXAY XANUUNKA TIIFOWGA?
TYPHOID FEVER ama ENTERIC FEVER waxaa sababa bacteria la dhaho salmonella typhi iyo paratyphi waxaana ay ku badantahay dunida 3aad ama wadamada aan wali hormarin sida qaarada Africa oo ay Soomaaliya ku jirto.
SIDEE AYUU KU GUDBAA?
Waxaa lagu qaadaa cuno, cabitaan aan nadiif ahayn oo ay ku jirto bakteeriyadda keenta xanuunka, taas oo uu cuno qof aanan xanuunka qabin. Qofka xanuunka qaba wuu gudbin karaa isaga oo aan lahayn wax calaamado ah haddii uusan si fiican u nadiifin gacmihiisa kadib marka uu galo suuliga. Haddii uu gacmahaas ku taabto qof ama cunto dabadeedna uu qof kale cuno, waa dhici karta inuu qofkasi qaado xanuunka.
WAA MAXAY CALAAMADAHA LAGU GARTO XANUUNKA TIIFOWGA?
Calaamadaha lagu garto Tiifowga waxaa ugu horeeyo qandho ama xummad aad usaraysa oo udhaxaysa (39-40°c) taas oo marba marka ka dambaysa soo siyaadayso, kadibna waxaa ku xigaya calool xanuun, calool istaag, qufac qalalan, madax wareer, awood yari, iyo wareer.
SIDEE LOO BAARAA XANUUNKA TIIFAWGA?
Baaritaanada la sameeyo waxaa kamid ah blood culture iyo stool culture oo ah in qofka laga qaado dhiig ama saxaro dabadeedna la beero ama la kobciyo si loo ogaado in dhiiga ama saxarada ay ku jirto bakteeriyada keenta tiifawga waxayna qaadata ilaa saddex beri. Balse baaritaanka ugu fiican waa in lagu baaraa PCR taas oo lagu ogaanayo DNA saxda ah ee bacteriyada, baritaanka PCR waa qaali mana ahan mid laga helo dalka.
Waxaa kale oo la isticmaalaa WIDAL TEST oo waqti hore la isticmaali jiray walina laga isticmaalo SOMALIA. Widal Testiga dunida aad loogama isticmaalo waxana uu baaraa in bukaankan uu xanuunku ku dhacay oo uu jirkiisu samaystay unugyo ka difaaca xanuunka iyo in kaleeto. Baritaanka ma caddayn karo in qofka uu hadda hayo xanuunka tiifawga iyo in uu waa hore ku dhacay.
SIDEE LOO DAWEEYAA TIIFOWGA?
Waxaa lagu daweeya dawooyinka loo isticmaalo caabuqa (antibiotics), kuwaas oo la siinayo qofka mudda asbuuc ah, waxaana muhiim ah in dawadu ay tahay mid ku haboon oo dawayn karta xanuunka.
SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA TIIFAWGA?
Siyaabaha looga hortagi karo waxaa kamid ah nadaafada oo lagu dadaalo, gacmahaga inad dhaqdo markaad cunada diyaarinayso iyo markaad suuliga kaso baxdo.
0 Comments