Subscribe Us

Dhiig yari, Anemia

 Dhiig yari Ama  Anemia 


 Waa maxey anemia/dhiigyari?


Qofka qaba dhiig yarraanta, unugya da dhiigga  

cas-cas jirkiisa ayaa  ka yar  sida caadiga  ah . Unugyada  

dhiigga cas-cas ayaa gaarsiiya  ogsijiinka dhammaan xubnaha  jirka ku yaalla. Marka ay tirada unugyada dhiigga cas-cas ay ka hooseeyaan  

inta caadiga ah, ogsijiin yar ayaa gaara dhiiga.  Taas oo keeneysa  hoos u dhaca xagga shaqada  ah  oo  ku  timaada  jirka. 



 Maxaa  lagu gartaa/Calaamadaha ?


Qofka qaba dhiig yaraantu waxaa  laga  yaabaa  in  aanu  ogaanin  wax calaamado  ah. Marka  dhiig yaradi ka sii darto, waxa laga yaabaa inaad yeelato  

calaamadahan: 

•  Tabcaan- ama tamar darro ama daal dareemid  

•  Dawakhaad/wareerid  ama suuxid dareemid  

•  Gacmaha iyo lugaha oo qabow noqda

•  Madax xanuun 

• jirka  oo  kalarkiisu  cadaaado  ama ciddiyaha oo si sahlan kuu dildilaaca  

•  Dhibaato aad kala kulanto inaad si fiican u fikirto ama inay kugu  

adkaato xoog meel saaristu 

•  Neefta oo ku qabata ama laab xanuun 

•  garaaca  wadnaha  oo  siyaada.



 Maxaa Sababa? 


Sababaha dhiig yaradi waxaa ka mida: 

•  Dhibaatooyin ka yimaada sida birta uu isticmaalo jidhku  


•  In aan la cunin cunto  ay birtu/feeradu ku badan tahay  

•  Dhiigista ama dhiig baxa, sida dhiigga culus ee ka yimaada  

waqtiyada caadada 

•  Uurka 

• fiitamiinada oo yaraada sida Foolayt la'aanta ama fitamiin B-12 jirka  

•  Daawaynta xanuunnada qaarkood, sida kansarka,oo aad jirka u  

adkeeya si uu u sameeyo unuggyada dhiigga cas-cas ee cusub  

•  Jirrada dhiigga kaas oo burburiya jirka unugyo dhiig cas-cas oo  

badan 

•  Dhibaatooyinka hab-dhiska difaaca halkaas oo jirku buruburiyo  

ama aanu samayn karin unugyada dhiiga cas-cas 

•  Dhallaanka ka yar hal sano ee cabba caanaha lo'da ama caanaha  

adhiga 

•  Dhallaanka lagu quudiyo caano boore aan lahayn feero ama bir  

dheeraad ah 


side  loo daweeyaa? 


Daweynta  dhiigyaridu  waxey  ku xirrantahay  sababah  keenay markii  hore  oo   kuwa  aan  kor   xusnay, sidaa darted  waxaa  u baahntahay  in  lagaa  baaro  sababaas. Waxaa laga yaabaa inaad  

u baahato: 

•  Cunto cunooyin gaara oo caafimaad leh ka mid yihiin miraha,  

khudrad, rooti, waxyaabaha caanaha laga sameeyo, hilib iyo kalluun.  

In aad cunto cuntooyin feero badan sida khudradda caleenta ah,  

hilibka lo'da ,ama hilib ari, hilib digaag , cunnada badda, miraha iyo iniinyaha ay birtu ku xooggan  

tahay, khudaarta cagaaran sida iyo digirta.  

•  Qaado fiitamiinnada ama feero-kordhiye.  

•  haddii  dhiigbax  daran uu  jiro  waxaa  laga yaabaa  in  aad  u baahato  in Dhiig  lagugu shubo si loo daaweeyo dhiig baxa. Dhiiga waxaa laga qaataa xiddidada iyagoo ugu sii gudbaya xiddidada dhiiga

Post a Comment

0 Comments