NAAS NUUJIN
1. Dunida kale waxay caruurta nuujiyaan laba sano oo xiriir ah hadii aysan hooyadu ku imaan cillado guriya naaska halka hooyooyinkeenu aysan caruurta nuujin wax ka badan shan bilood waana inta badan sababta hooyooyinku caruurta ula taagan yihiin isbitaalada waayoo caruurtu difaaca jirkooda maadooyinkii xoojin laha ayaysan wada helin
2. Waxaa macquul ah in dadkeenu aysan fahansaneen in naas-nuujintu hooyada iyo ubadkaba u fiican tahay sabababtoo hooyinka nuujiya waqtiga saxda ah intooda badan laguma arko cuduro gabdhaheena inta badan ay mar walba la xanuunsan yihiin sida kansarka ku dhaca makaanka, buro biyoodka iyo dhiiga bax hoosaadka
3. Sidoo kale hooyooyinku intooda badan ma fahansana nuujinta faaiidada ay u leedahay caruurta sababtoo ah caruurta hela nuujinta saxda ah laguma arko cudurada xasaasiyadu keento, caabuqa ayaa ku yar, dhiig la'aanta iyo cabeebka kuma dhaco intooda badan sbabatoo ah caanaha hooyada waxa ku jira maado xoojisa difaaca jirka
4. Hooyooyinku inta badan ma fahansana qaabka caruurta loo nuujiyo, saacadaha la nuujiyo iyo xita inta cunugu ku dhargi karo. Caruurta marka ay dhashaan ilaa bilaha hore waxay u baahan yihiin in hooyadu nuujiso laba saac ama saddex saac kasta sidoo kale 10 daqiiqo ugu yaraan ilaa 30 daqiiqo ugu badnaan ayaa ah waqtiga saxda ah caruurta lagu nuujiyo
5. Hooyooyinka qayb yar oo ka mid ah waxay mararka qaar ka wehsadaan nuujinta caruurta sababo jiro awgeed waayoo dhar gooni ah ayay nuujintu u baahan tahay, xanuuno ku yimaada ibta naaska iyo caruurta oo mararka qaar baahi ku qabato meelo public ah oo hooyadu aysan nuujin karin, caruurta naas nuujintu ku yar tahay waxaa la sheegaa in xitaa dhagaha cillad uga timaado sida inay dilaacaan
6. Xilliga ugu fican hooyadu caruurta nuujiso waxaa la sheegaa in ay subaxdii tahay sababta sidaas loo dhahayna wax kale ma ahan subaxdii naaska caanaha hooyada waxaa ku badan maadooyin muhim u ah koriinshaha caruurta sida Magnesium, Potassium, Zinc iyo Sodium. Sidoo kale duhurkii naaska caanaha hooyada waxaa laga helaa maadada Vitamin E oo muhiim u ah shaqada Neerfayaasha
La Wadaag Walaalaha Kale Si Ay Kuula Akhristaan Ugana Faaiidaystaan
0 Comments