QUUDINTA IYO WAX SIINTA ILMAHA 6-da BIL KAYAR
𝐃𝐡𝐚𝐥𝐚𝐚𝐧𝐤𝐮 marka ay gaaran Ama ay u bilaabto Bisha 𝟔 aad, waxaa waajib ah in ay helaan cunta dheeri ah iyagoo sida caadiga ah usii jaqayo naaska hooyada.
Quudinta cuntada dheeriga ah ilmaha waxay siinaysaa korniimo xoogan, sidoo kale waxey sara u qadan caafimaadka ilmha.
Cuntooyinkaas dheriga ah oo aad u bilaabeysid ilmhu marka ay garaan 6-da bilood waa in ay ahaadan cuntooyin isku dheeli tiran oo ay ku jiraan bir, borotiin, tamar,fiitamiin si uu uhelo korniimo, xoog iyo caafimaadba.
• Laga bilaabo da’da 6 bilood, dhallaankaagu wuxuu u baahan yahay cunnooyin kale marka lagu daro caanaha naaska.
• Caanaha naaska waxay sii ahaanayaan qeybta ugu muhiimsan cunnooyinka cunuggaaga.
• Marka ugu horeysa naas nuuji ka hor intaadan siin cunnooyinka kale.
• Sii wad naas nuujinta dhallaankaaga iyadoo lagu salaynayo baahida , maalin iyo habeenba.
• Markaad siinayso cunno dheeri ah, ka fikir:
• Soo noqnoqoshada; Quudi ilmaha cuno dheeri ah 2 jeer maalintii
• Tirada; Sii 2 illaa 3 qaaddo quudin kasta sidoo kale cuntada yesan ahaan cunta jilacan oo biya un ah.
• Kaladuwanta; Ka bilow cunnooyinka aasaasiga ah sida boorashka, galleyda, qamadiga, bariiska, masagada, masagada, mooska la shiiday ama baradhada la shiiday.
• jawaabta celinta Quudinta; Ilmuhu wuxuu u baahan karaa waqti uu ku barto cunnooyinka kale. Samir, si firfircoon u dhiirrigali ha u isticmaalin xoog aad ku quudiso ilmaha.
• Nadaafadda; Gacmaha ku dhaq saabuun iyo biyo ka hor intaadan cuntada diyarin, maacuunta iyo ka hor intaadan quudin ilmaha.
• Markay suurtagal tahay, caano u isticmaal halkii aad biyo ku karsan lahayd boorashka.
𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲-𝗱𝗵𝗲𝗵 oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan.
0 Comments