Subscribe Us

Qaaxada (TB): Tuberculosis

 Qaaxada (TB): 


TB waa cudur uu keeno jeermis loo yaqaanno “Mycobacterium tuberculosis” oo badanaa ku dhaca  Sanbabada . waxuu kaloo ku dhicikaraa keliyaha, lafdhabarta, qanjirada iyo maskaxda. TB-du waa cudur dilaa ah hadii aan si haboon loo daweyn.



 sidee lagu kala qaadaa ??


 waxa uu kugu dhici karaa marka qof qaba TB  uu ku qufaco ama hindhiso agtaada ka dibna aad  neefsato jeermiska. Tb laguma kala qaado salaanta gacmaha, cunto/cabitaan la wadaaago, dhunkasho ama  cadey la wada isticmaalo. Waxaad 

khatar sarreysa ugu jirtaa in aad qaaddo TB haddii 

difaaca jirkaagu uu daciifo.  waxaa daciifin kara cunto xumo, jirro, daawooyin, ama sababo kale. 


 Calaamadaha  lagu  garto  TB.??


Dadka qaba TB waxaa laga yaabaa in ay isku arkaan qaar ama dhammaan calaamadahaan: 

• Qufac xun oo socda 3 usbuuc ama wax ka badan 

• Qandho /xumad

•Caatoobid/culeyska Jirkaaga oo is dhima

• Dhiig quficid amax xaako uu dhiig la socdo

• Daciiftinnimo iyo daal dareemid 

• Laab xanuun/xabad xanuun 

• Dhidid habeenkii ah


Maxaan  sameeyaa haddii aan  isku arko calamadahan  ??


 Haddii aad calaamadahan kore aad isku aragto ama aad shaki ka qabto TB, fadlan tag goobta caafimaad ee kuugu dhow si laguug sameeyo baaritaan.Baarid maqaar/jirka  ah ayaa lagugu sameyn doonaa si loo arko haddii aad cudurka qabtid. 

Baaritaan lagaa helay macnihiisu wuxuu yahay in uu jeermisku kugu dhacay. 

waxaa sidoo kale laga yaabaa in candhuufta/xaakada la baaro iyo in feeraha raajo lagaa saaro.

NB:haddii cudurka TB laga helo qof, waxaa waajib ah in baaritaan maqaarka lagu sameeyo dadka qeyskiisa oo dhan iyo inta la tacaamusha.


 Side loo Daryeelaa?


Haddii maqaarka laga helo ama aad qabto TB, waxaa lagugu billaabi doonaa 

daawooyin. 

• Daawada sidii lagu faray u qaado. Daawooyinkaaga isku waqti qaado maalin  kasta,hana joojin qaadashadooda. Dawooyinka TB waxey laqataa waqti dhan 6-9 bilood. Haddii aadan daawooyinka qaadannin, TB-daadu way 

kugu soo laaban kartaa wayna adkaanaysaa in lagaa daaweeyo. Waxaa sidoo 

kale laga yaabaa in aad dadka kalena ku riddo haddii aadan daawooyinka oo 

dhan wada qaadannin. 


• Ha cabbin aalkolo inta aad daawooyinkaan qaadanaysid maxaa yeelay 

aalkoladu waxay keeni kartaa dhibaatooyin beerka ku dhaca. 

• Mid ka mid ah daawooyinka loo isticmaalo in lagu daaweeyo TB-du waxaa 

laga yaabaa in ay kaadidaada iyo dheecaannada kale ee jidhka ka dhigto casaan. 


Haddii aad jirran tahay oo aad u baahan tahay in isbitaalka lagu dhigo: 

• Waxaa laga yaabaa in lagu karintiilo/go’doomiyo. Tani waxay dadka kale ka ilaalinaysaa 

in ay TB qaadaan. 

• Waa lagu karintiilayn doonaa ilaa aad ka qaadanayso daawooyinka TB-da 2-3 

toddobaad ama ilaa candhuuftaadu ay ka noqoto mid aan jeermis lahayn. 

• Qof kasta oo qolkaaga yimaada wuxuu xiran doonaa  mask/weji dabool. 

• Albaabka qolkaaga waa la xiri doonaa. 

• Waxaad u baahan doontaa in aad xirato weji dabool marka aad qolkaaga 

baxayso. 


Haddii baaritaanka maqaarkaaga laga helo ama aad qabto TB: 

• Afka iska dabool marka aad qufacayso, hindhiseyso ama qosleyso. Ka dibna, 

gacmaha iska dhaq. 

• Gacmaha iska dhaq cuntada ka hor. 

• Cun 3 cunto oo cab 6-8 koob oo cabitaanno ah maalin kasta. 

• Aad dhammaan ballamada takhtarka. 


walal gaarsii talaayinkan walakaaga adiga oo share-gareenya page-ka

Post a Comment

0 Comments