Subscribe Us

FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE SOONKU QOFKA U LEEYAHAY.

Soonka iyo Caafimaadka : FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE SOONKU QOFKA U LEEYAHAY.

________________________________________________________________


Faa’iidooyinka ugu muhiimsan ee soonka


I. Jidhka oo dareema raaxo, furfurnaan iyo nasasho, wixii cillado ah ee jirayna ka baxaan.

II. Caloosha waxaa ku urura hadhaaga cuntooyinka uu qofku joogto u cunayo, ee uu jidhku ka maarmayo, haddii hadhaagaasi ku bato caloosha, waxa uu aakhirka isu beddelaa qashin sun ah oo khatar ku ah caafimaadka qofka. Soonku waxa uu sababaa marka uu jidhku gaajoodo in uu dib u isticmaalo cuntadii hadhaaga ku ahayd caloosha, sidaasna ay kaga dhammaato oo ay calooshu sidaas kaga nadiifowdo hadhaagii ku ururay.


III. Soonku waxa uu wanaajiyaa shaqada dheefshiidka, waxa aanu xoojiyaa awoodda uu jidhku u leeyahay dheefsiga cuntada iyo nuugista faa’iidooyinka nafaqo ee ku jira.


IV. Soonku waxa uu habdhisyada kala duwan ee jidhka u suurta geliyaa in mariidka ay iska nadiifiyaan, in ay shaqadooda dib u dardargeliyaan, in ay awooddooda soo ceshadaan, arrimahaas oo keena in ay nadiifoobaan isla markaana si habsami ah oo dardar hor leh wadata u hawlgalaan dhiigga iyo dareereyaasha kale ee jidhkuna.


V. Soonku waxa uu sababaa in ay furfurmaan / milmaan maaddooyinkii dheeraadka ahaa iyo guntimihii kala duwanaa ee ku dhex samaysmay nudaha buka ee jidhka.


VI. Soonku waxa uu firfircooni iyo dhalinyaranimo ku soo celiyaa unugyada iyo nudaha kala duwan ee jidhka.


VII.  Soonku waxa uu xoojiyaa fahamka qofka waxa aanu baraarujiyaa maskaxda.


VIII. Soonku waxa uu nadiifiyaa oo uu qurxiyaa maqaarka, Alexis Carrel oo ka mid ah culimadii geeska u dhigtay cilmiga caafimaadka, ayaa ka mid ah saynisyahannada xaqiijiyey in soonku uu u fiican yahay caafimaadka. Carrel oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Faransiiska, noolaanaha intii u dhexeysay 1873 illaa 1944, waxa uu ka mid yahay saynisyahannada ku guulaystay abaalmarinta caalamiga ah ee Nobal Prize. Alexis Carrol ayaa buuggiisa “Man, The Unknown’ waxa uu kaga hadlay dhibaatada caafimaad ee ka dhalanaysa cuntada badan ee xilliyada badan jidhkeenna gelaysa, waxa aanu sheegay in xalkeedu uu soonka yahay.

Post a Comment

0 Comments